Dubbe: Laba maalin iyo laba habeen ma jiifan + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ku guuleystay mid kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan guushii uu maanta ka gaaray tartankii doorashada iyo sida ay ku timaaday.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay inuu kursigaan u galay tartan adag, taas oo keentay inuu guushaan gaaro, isagoo u mahadceliyey dadkii ku taageeray inuu gaaro guushaan.

“Waxaan galnay kaambeyn aad u weyn, xilligaan aan idinla hadlaayo laba maalmood iyo laba habeen waan soo jeeday oo ma jiifan, sidaan oo kale ayaa la rabaa in kuraasta loogu tartamo oo la iska dhaafo malxiis,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn.

Wasiir Cusmaan Dubbe oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Villa Somalia oo taageero u aheyd musharixii la tartamay ayaa sheegay inuu ogyahay qof kasta oo kala shaqeeyey inuu kursiga helo iyo midkii diidanaa intaba.

“Waxaan ballaan qaadayaa in afarta sano ee xilkaan la ii doortay aan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaan sidoo kale u adeegi doonaa shacabka gobollada aan ku metelo baarlamaanka,” ayuu yiri Senator Dubbe.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa doorashadaan uga guuleystay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ahaa musharaxii kula tartamay kursiga, kaas oo helay 17-cod, halka Dubbe uu ku soo baxay 28-cod, Cabdikariin waxaa la sheegay inay wadatay Villa Somalia oo maalmahaan dambe aysan isku wanaagsaneyn Cusmaan Abuukar Dubbe.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Dubbe guushiisa kadib