Sawirro: Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senator-ada SOMALILAND?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somalialnd, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan.

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo.

Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’day Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale shaacisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa falkaan ku tilmaamay in ay jiri karaan cabsi dhinaca ammaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey u toogtay qaar ka tirsan ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday, waxayna dhawaan ku hanjabtay inay beegsan doonto cid kasta oo ka qeybgasho doorashada Soomaaliya.