Sidee u fashilmay dagaalkii Villa Somalia ay ku qaaday Dubbe iyo Prof. Samatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Maxamuud Dubbe ayaa ku guuleystay doorashadii Aqalka Sare ee kursigii uu maanta ku tartamay, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xooggan.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacdihii ugu dambeeyey wadday dagaal culus oo ku xaqiijineyso in Dubbe looga adkaado doorashada Aqalka Sare, kadib markii labada dhinac ay siyaasad ahaan kala jeesteen.

Dubbe, oo mar saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, islamarkaana dartiis u aflagaadeeyey dowlado ay ka mid tahay Jabuuti, shacab, siyaasiyiin iyo hooyooyin Soomaaliyeed, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ka furtay kuna xirtay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay Farmaajo is-hayaan.

Sida aan xogta ku helnay, Dubba ayaa dhanka Rooble ugu wareeegay saddex sabab oo kala ah:-

1 – In Rooble uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka, islamarkaana xilliga uu doono uu xilka ka qaadi karo, ama hoos ugu dhigi karo wasiir ku-xigeen.

2 – Inuu garowsaday in awoodda dowladda, gaar ahaan dhaqaalaha uu ka baxay gacanta Farmaajo, oo ra’iisul wasaaraha uu si buuxda hadda u maamulo.

3 – In Rooble uu gacanta ku hayo maamulka doorashada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, sidaas darteedna caqabad ku noqon karo hamigiisa senator, isaga oo ka shaqeyn karay inaan lagu soo darin liiska musharaxiinta.

Dubbe ayaa markii uu ku biiray xulufada Rooble wuxuu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Farmaajo, isaga oo qoraallada kasoo baxa Villa Somalia ee la xiriira siyaasadaha ay isku hayaan Rooble, ka mamnuucay warbaahinta dowladda, taasi oo aad u bah-dishay Farmaajo.

Isaga oo ka aargudanaya ayuu Farmaajo qaaday loolan xooggan oo ka dhan ah Dubbe, wuxuuna dhowr habeen ka hor madaxtooyada kula kulmay odayaal reer Somaliland ah, isaga oo kala hadlay inay kala shaqeeyaan in Dubba looga adkaado doorashada.

Madaxtooyada ayaa saacidihii ugu dambeeyey aad u xoojisay, islamarkaana taageero u raadisay Cabdikariin Maxamed Xasan, kuna bixisay dhaqaale sidii uu u guuleysan lahaa, hase yeeshee dadaalladaas ayaa meel cidlo ah ku dhammaaday.

Guul-darrada Villa Somalia ee kursiga Dubbe, waxaa uga sii horeeyey kursigii Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo isna ay ku taageertay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, balse looga adkaaday.

Prof. Samatar ayaa afartii sano ee uu Farmaajo ahaa madaxweyne, wuxuu si aad ah u dhaliili jiray siyaasadaha Farmaajo ee xoog sheegadka iyo kali-talisnimada, waxaana Villa Somalia ka go’neyd in maanta laga adkaado.

Hase yeeshee, dhaqaalihii ay Villada ku bixisay Allabari ayaa goyn waayey codad looga adkaaday, si la mid ah sidii ay wax u tari weysay lacagtii lagu bixiyey in laga guuleysto Dubbe.

Sidoo kale, afarta kursi ee kale, ee maanta lagu doortay Afisyoone, ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdllaahi, Layla Axmed Ismaaciil, Saalax Axmed Jaamac iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Marka laga reebo wasiir Saalax, saddexda Senator ee kale, waa kuwa aan raacsaneyn Villa Somalia. Inkasta oo wasiir Saalax lagu tiriyo dhanka Farmaajo, haddana waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay dhex-dhexaad.

Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Muqdisho iyo maamul goboleedyada waxaa lagu xusuusan doonaa in Villa Somalia ay aad ugu jabtay, waxaana illaa hadda la ogyahya kaliya saddex Senator oo taageersan inay kusoo baxeen.