Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta ka hadlay kulan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si toos ah weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loogu haysto arrimaha doorashooyinka, maadaama oo uu weli ku adkeysanayo inuu qabto doorasho qof & cod ah.
Dubbe ayaa Xasan Sheekh la meeldhigay Qadaafigii la dagay Liibiya, wuxuuna sheegay inuu uga digayo in xukunka uu isku dhajiyo.
“Qadaafi wuxuu xukunka hayay 42 sano, isagoo hor istaagay horumarka shacabka Liibiya- bal ka fakar waxa dhici kara haddii Xasan Sheekh uu xilka isku dhejiyo”. ayuu Dubbe.
Senatorka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xubnaha golaha wasiirradda oo ugu horreeyo Axmed Macallin Fiqi oo ku eedeeyay inay u ololeynayaan inay sii haystaan xilalka.
“Bal waxaa sawirataan wasiirrada oo Bashiir iyo Fiqi oo 21 sano wasiirro idin ah oo subax kasta idin khudbadeeya maxaa dareemi lahaydeen? iyaga laftooda ayaa daali lahaa”. ayuu mar kale yiri Senatorku.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa loo baahan yahay 4 sano kadib in la sameeyo isbeddal, dabadeedna waa fresh”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntand.
Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweynuhu sii qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda, uguna dhabeynayo go’aankiisa, kadib markii uu degmad Warta Nabadda ka qaatay kaarka cod-bixinta doorashooyinka oo dhawaan la filayo inay ka bilowdaan gobolka Banaadir.

