Dubbe oo si weyn loogu weeraray ‘marin-habaabin’ uu ku sameeyay arrin taagan

Hargeysa (Caasimada Online) – Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo kamid ah siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiir Dubbe, kaasi oo uu ku sheegay “in la xusi doono” gabar magaalada Boorama loogu xiray calanka Soomaaliya.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in Dubbe arrintaas uu ku marin-habaabinayo xiisada taagan ee dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo xaaladooda laga deyrinayo, kadib markii ay soo baxday inaysan helin adeeg caafimaad iyo daryeel ciidanimo.

“Maanta waxaa Itoobiya ku daadanaya dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, markuu rabay inuu taas duwo waxay ila muuqatay in aanay habooneyn Inan joogta Boorama oo danbi ka gashay Dalkeed uu kusii adkeeyo, hadduu Inantaas u hayo wax wanaag ah ayada oo xabsi ku jirta oo u xiran wax kasoo horjeeda qadiyada Somaliland kumuu markhaati fureen,” ayuu yiri Mustafe Shiine.

“Hadalka Wasiirka warfaafinta waxaa u arkaa mid lagu marin-habaabinayey oo lagaga duwayay indhaha dhalinyarada ay Eritrea-ku geeyen dalka Itoobiya oo laga horgeeyay Tigray-ga, marin-habaabin uu doonayo arrintaas oo taagan ayaa isaga oo matalaya nin qaranimada jecel ayuu ruwaayad kale ka dhigaya.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xil ay dowladda Soomaaliya u magacaawday Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasi oo dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga.

Mustafe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Abwaan Shaacir uu aqbalo xilka looga magacaabay dowladda federaalka Soomaaliya, asaga oo dhaliilo u jeediyay xiligaas xukuumadda Muuse Biixi.

“Waa dambi haddaa aqbasho in dal cadow aan nahay uu ku magacaabo, qiilna looma heli karo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Siyaasi Mustafe Shiine.