HirShabeelle oo shuruud adag ku xirtay wada-hadal ay la gasho Jeneraal Xuud

Beledweyn (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii General Xuud uu ka hor yimid shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Beledweyne.

Caadle oo wareysi uu siiyey Idaacada Mustaqbal lana waydiiyey inay wadahadal la furayaan Generaal Xuud oo hoggaaminayo kacdoonka ka taagan Hiiraan ee looga soo horjeedo maamulka HirShabelle ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la furi doonin General Xuud inta ay ka qabanayaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee loo qorsheeyey inay ka dhacdo Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal.

Dhowr jeer oo kala duwan ayaa waxaa Magaalada Beledweyn ka dhacay dagaalo khasaare geystay oo dhex maray ciidamada General Xuud iyo kuwa Hirshabelle, waxaana fashilmay wada-hadalo la dhex waday Generaalka iyo madaxda Hirshabelle.

Kacdoonka uu hoggaaminayo General Xuud ayaa soo bilowday markii madaxweynaha Hirshabele laga dhigay Cali Guudlaawe isla markaasna xilka madaxweynimo ee Hirshabelle laga wareejiyey Beesha uu kasoo jeedo General Xuud.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.