Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay Bacaadweyne

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gallo ballaaran oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta maamulkaasi ay uga sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Bacaadweyn, Qaycad, Sabeena gawrac oo dhaca koonfurta gobolkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay deegaanadaasi isaga baxeen xoogagii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay

“Ciidamada qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale. Alshabaab ayaa isaga baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga.

Galmudug ayaa sidoo kale xustay inay sii laba jibaari doonto howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dagaal kooban uu ka dhaca dhinaca deegaanka Bacaadweyne, waxaana kadib dib u gurtay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada ay ka wadaan gobollada dhexe, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.