Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka & jadwalkii ugu dambeeyey ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo dhoweeyey soo saarista jadwalka cusub ee doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay inuu muhiim yahay in la dhaqan-geliyo, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee la heysto.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatana aha Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo uga digay inay sameeyaan musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la sameeyo dad korjoogto oo dusha sare kala socda doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay, haddii aan la dheeraanin musuq-maasuq iyo wax is-daba marin inay dhaawac xoogan u geysan karto doorashooyinka ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan heshiis laga gaaray doorashooyinka dalka, isla-markaana lasoo saaray jadwal rasmi ah oo lagu jiheynayo qabsoomida doorashooyinka.