ASKARI booliska Somaliland ka tirsan oo TOOGASHO ku dilay wiil reer PUNTLAND ah

Boorama (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee Somaliland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala magaaladaas ay caawa toogteen wiil dhalinyaro ah, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka loo dilay inuu xirnaa calanka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegayaa in toogashada ay ka dhalatay muran dhex-maray isaga iyo booliska.

Wiilka la toogtay oo ahaa 21-sano jir ayaa kasoo jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim.

Ibraahim Salaad waxuu sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ka dhiganayey Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

Dilka wiilkaan ayaa Maqribkii ka dhacay afaafka hore ee magaalada, kadib markii ay boolisku qabteen isagoo ka soo laabtay jimicsi uu u aaday meel Dooxo ah oo banaanka ka ah magaalada, sida ay noo sheegeen ehelkiisa.

Inta aan la dilin Ibraahim waxaa la sheegay in muran kooban dhex-maray booliska iyo asaga, kadibna uu dilay mid ka mid ah askartii qabatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in muranka uu ka dhashay dhar uu xirnaa oo lahaa midabka calanka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu ku saabsanaa mobile uu uga soo tegay gudaha Jaamacadda.

Sababta dhabta ah ee kiiskan ayaa waxaa ku socda baaritaan ay wadana booliska.

Deegaanada Somaliland waxaa ka jirta caburin lagu hayo shacabka, taas oo marar badan aad loogu dhaliilay xukuumadda.