Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay hay’ad ay dhistay DF, digniina u dirtay shirkado

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu shaaciyey in maamulkaas uusan aqoonsaneyn hey’adda Batroolka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority” isla markaana aysan Puntland quseyn heshiisyada ay ku howlantahay hey’adaas oo dhawaan dib u dhigtay waqtiga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa qoraalkaan ku sheegtay in shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya ay sugtaan inta Soomaaliya ay ka baxeyso howlaha socda ee doorashada, si ay ula macaamilaan dowlad awood u leh in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka dalka, si heshiis lagu wada-yahay.

“Dawladda Puntland waxay kula talinaysaa Shirkadaha Petroletun ee daneeya Liisanka Hydrocarbon ee Soomaaliya inay sugaan inta laga dooranayo Madaxweyne cusub oo la dhisayo dawlad qaran oo dhab ah ka hor inta aan la dalban rukhsadda. Dowladda soo socota ee la soo dooranayo waxay lahaan doontaa xaq iyo awood, sida ku cad dastuurka qaranka, inay qorto heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan maareynta kheyraadka qaranka, horumarinta iyo nidaamka wadaagga, kaas oo ay ansixin doonaan dhammaan dowladaha xubinta ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Puntland.

Puntland oo doodeeda ku saleysay 3-qodob ayaa qoraalkan ku tiri, “Waxa loogu yeero Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA) waxay soo saartay ogeysiis 29-kii bishii hore ee Juun, kordhinta taariikhda gudbinta ee liisanka bilowga hydrocarbon. Dowladda Pentland waxay si cad u diideysaa ogeysiiskaas HBS ee soo socda:”

1 – Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, Dowladda Puntland ma lahan wakiil rasmi ah (SPA). Marnaba ma taageersanin aas-aaskii maamulkaan muranku ka taagan yahay.

2 – Dowladda Puntland ma aqoonsana dhammaan heshiisyada HBS; iyo ogeysiisyada hey’addaas.

3 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay lumisay ansaxnimadeedii dastuuriga ahayd iyo sharci ahaanshaheedii bishii Febraayo 2021.