Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta rag la qabtay iyo wiil u dhintay jir-dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey wiil yar oo jir-dil uu u geystay Adeerkiis u geeriyooday 3-dii bishan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah tuugada moobeellada ka furata dadka shacabka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen ragku eedeysan dhacaas iyo hubkii ay wateen.

Afhayeenka ayaa sheegay in seddax ka mid ah ragaas lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Kaaraan, xilli ay ku howlanaayeen dhaca dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool, waxaana la soo bandhigay hubkii ay ku dhacayeen iyo agabkii ay furteen.

Halka laba eedeysane oo kale, lagu soo kala qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhaca shacabka degmooyinkaas, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Dhanka kale afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Muscab Maxamed Xasan oo ahaa wiil 4-sano jir ah oo 3-dii bishaan u geeriyooday jir-dil uu u geystay Adeerkiis hooyadii qabay oo lagu magacaabo Xasankaafi Cabdi Jaamac.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan weli socda ay ku ogaadeen in Muscab uu Adeerkii u geystay jir-dil xoog leh, kaas oo sababay inuu Naqasku ku dhego, isla markaana uu geeriyoodo.

“Baritanka kiiska wiilkaas oo meel gabagabo ah mareya waxaan ku ogaanay inuu u dhintay naqaska oo ku dhegay, maadaama uu wiilkaas Adeeerkiis u geystay jir-dil xoog leh oo fiilo uu ku garaacay, baaritaanku markii uu soo dhamaado wixii kasoo baxa waan idinla wadaagi doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali.

Hoos Ka Daawo