DUCAALE: “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah Shariif”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo la dul-dhigay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ducaale oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.”

Caasimada Online ayaa shalay qortay in xiisad ay ka dhalatay ciidamo ku gaaf-wareegay guriga Shariif kadibna iska baxay, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta sheegay in ciidamo la dul dhigay guriga Shariif.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo.”

Sidoo kale xildhibaan Fiqi ayaa yiri “Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo habeenadaan danbe ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay daandaansiga agagaarka gurigisa ku samaynayeen ma waxaa gashay doorashadii 2020/2021 mise hawlgalkii muddo kororsigii maxaxweyne Farmaajo raadinayey ayaa laga baadigoobayaa oo ku dhuuntay? Midday ahaataba ma ahan tallaabo wanaagsan ama dhaqan dawladnimo, waxaan kula talinayaa madaxweyne Farmaajo In uu joojiyo daandaansiga iyo abuurista xaalad dagaal oo aan hadda taagnayn oo caaqibadeeda danbe aan la mahdin doonin!

Si kastaba Ducaale ayaa yiri “Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.”

Warar goor dambe ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamadaas ay meel u dhow guriga Shariif ka sameynayeen baaritaano la xiriira hoobiyeyaal dhowr habeen ka hor laga shakiyey in laga tuuray, taasi oo laga yaabo inay kala shaki dhalisay.