Dugsiyada gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Goodax Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiyada xubnaha ka ah Dalladda waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa waxay jawaab adag ka bixisay hadalkii sii-hayaha wasiirka waxbarashada, C/llaahi Goodax Barre.

War-saxaafadeed kasoo baxay dugsiyada xubnaha ka ah dalladaasi ayaa lagu cambaareeyay sababtii uu Goodax ku sheegay inay u dhaceen ardeydii kumanaanka aheyd, taasi oo ku sheegayinay aheyd “Iskuulo iyo macalimiin tayo aan la heyn oo ka shaqeeya Muqdisho”.

Waxayna sheegen in tayada macalimiintooda iyo waxbarashada ay bixiyaan ay ku kalsoon yihiin, iyagoona hadalka wasiirka ku tilmaamay mid laga xumaado oo uu mar-marsiyo uga dhigayo fashilka wasaarada waxbarashada dalka. 

“Waxaan cambaareynaynaa falcelinta ay ka sameeyeen iyo ku adkeysashada qaladka weyn ay ka galeen ardeyda iyo dugsiyada gobolka Banaadir: Sii haayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir oo qaladka dusha ka saaray Dugsiyada, Macalimiinta iyo Ardeyda gobolka Banaadir, waxaa is ka cad in ay ka muuqato tayo xumo, Mas’uuliyad daro weyn iyo daneysi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaasi.

Sidoo kale waxa lagu xusay inay waxba kama jiraan tahay eedeynta Goodax ee uu ku sheegay inay jiraan iskuulo gaar loo leeyahay oo ardeyda ka bootiya qaar kamid ah fasalada.

War-saxaafadeedkaasi ayaa ugu dambeyntiina lagu sheegay inay shaki badan abuureyso ka aamusnida arrinkaasi ee madaxda sarre ee dalka (Farmaajo iyo Mahdi Guuleed).

Dugsiyada xubnaha ka ah Dalladda waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku hanjabay inay tallaabada ku haboon wixii dhacay ay ka qaadan doonaan.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan ka dhalatay natiijada imtixaanka dalka ee sanadkan oo ay ku dhaceen 8-kun oo Arday oo kamid ahaa 33-kun ee imtixaanka u fadhiistay.