Shuute oo digniin kasoo saaray arrin kusoo noq-noqotay gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay dagaalada mararka qaar dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda, kuwaasi oo badankoodu ka dhaca gobolka Banaadir.

Col. Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa wax la aqbali karin ku tilmaamay dagaaladaasi oo muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan mudneyn in dushooda lagu dagaalama, isla markaana ay ka badbaadaan gacanta Ciidamada, maadama ay waxyeelada ugu badan kasoo gaarto dagaaladaasi. 

Dhinaca kale, wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan marnaba maan-gal aheyn in ciidamad dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ay ku dagaalaman degmada Beled-Xaawo, xili ay degmadaasi ku sugan yihiin saraakiishoodu.

Shuute ayaa wacad ku maray in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ciidamadii ku dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Digniintan ayaa imaneysa xili ay marar badan dagaalada u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda ku soo noq-noqdaan gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxayna inta badan dagaaladaasi khasaaro ba’an kasoo gaarta shacabka ku nool deegaamada ay ku dagaalaman ciidamada, midaasi oo ka hor imaneysa shaqada ay u igman yihiin ciidamadu.