Wasiir Goodaxo oo heestii Sharma Boy soo dhaweeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boggiisa barta Facebook soo dhigay fariin uu ku bogaadinayo dhalinyaro soo qaaday hees aad looga hadal hayay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in heestaas ay xikmaddo badan xambaarsan tahay isla markaasna ay dhallinyarada kusoo bandhigeen dareenka maskaxdooda ka guuxayo.

“Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan iyo dareenka maskaxdooda ka guuxaya” ayuu wasiir Goodax Barre.

Wasiirka ayaa sheegay in dhallinyarada ay laf dhabar u yihiin bulshada isagoo hadalkiisa kusii daray inay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada

“ Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena.” Ayuu sii raaciyey.

Heesta uu Wasiir Goodax Barre soo dhaweeyey ayaa waxaa miraheeda kamid ah ereyo dhallinyarada loogu baaqayo inay shahaadada iska tuuraan oo ay shaqeytaan.

Heesta uu Wasiirka sida weyn usoo dhaweeyey ayaa kusoo aaday xilli ay imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka ku dhaceen 8 kun oo Arday oo kamid ahaa 33 kun ee imtixaanka u fadhiistay.

Halkaan hoose ka daawo heesta uu kasoo hadlay Wasiir Goodax Barre