Dugsiyada Quraanka iyo macaahidda diiniga ah ee Xamar oo dallad sameystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdishu laga daahfuray Dalladda Sanaabil oo ah dallad ka shaqayndoonta horumarinta, midaynta iyo tayaynta Dugsiyada Quraanka iyo Macaahidda Diiniga ah.

Dalladda waxaa aasaaasay dhallinyaro Soomaaliyeed oo dareemay baahida loo qabo midaynta codka iyo cududda Dugsiyada Quraanka iyo Macaahidda Diiniga ah, dhallinyaradaas oo aqoon u leh ka shaqaynta arrimahaan.

Gudoomiya ku xigeenka dalladda Saadaam Bishaar maxamed oo munaasabadda furay ayaa sheegay in ay wax ka qabandoonaan dugsiyada Quraanka ee ku yaalla dariiqyada iyo meelaha aan haboonayn, sidoo kale wuxuu sheegay in waxbadan laga bedeli doono qaabka macalimiintu ay u la dhaqmaan ardayda ay waxbarayaan.

Marti ka kala timid dunida daafeheeda ayaa waxay dadka la wadaageen waayo aragnimadooda waxbarashada iyo waxyaabaha ka jira dugsiyada quraanka ee dalka Soomaaliya, waxayna tusaaleeyeen waxyaabo fara badan oo ay tahay in wax laga qabto

Adeegyada ay Dalladdu bixinayso waxaa ka mid ah;

  1. Horumarinta Macalimiinta  Dugisyada Qur’aanka Kariimka .
  2. Isku xirka dugsiyada qur’aanka iyo macaahida sharciga ah.
  3. Tayaynta goobaha lagu barto qur’aanka kariimka iyo
  4. Tababarista macalimiinta dugsiyada Quraanka iyo macaahidda diiniga ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka kala socda;

  • Jaamacadaha dalka,
  • Macaahidda diiniga ah ee dalka,
  • Madaarista Quraanka Kariimka ah ee dalka,
  • Maraakista diiniga ah,
  • Dalladaha waxbarashada ee dalka iyo
  • Khubaro ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ee Soomaaliya.

Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay si nabad ah waxaana soo xiray Cali Xassan Axmed oo ah gudoomiyaha Dalladda Sanaabil.