Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad maxkamadeed kadib tallaabo uu qaaday dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa wajahaya dacwad maxkamadeed, kadib markii uu dhawaan soo saaray sharci cusub.

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in sharci uu Beyle soo saaray 20-kii bishan, uu gebi ahaanba yahay mid sharci darro ah oo uusan awood u laheyn.

Sharciga Beyle ayaa dhigaya ‘in lacag laga qaadi doono qareen walba iyo dadka ay u doodayaan ee dacwadaha ka furanaya Maxkamadaha’, isla markaana lagu sheegay inuu yahay Xeerka nidaaminta ajuurada Maxkamaddaha.

Afhayeenka ururka qareenada, Abuukaate Cali Xalane oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa xeerka cusub ee ajuuradda maxkamadaha ku tilmaamey mid kusoo baxay qaab aan sax aheyn, maadama ay aheyd in lasoo marsiiyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla markaana ay soo saarto wasaarada Garsoorku.

Abukaate Xalane ayaa si adag ganafka ugu dhuftay xeerkaasi uu soo saaray sii-hayaha wasiirka maaliyadu, isagoona sheegay inay dacwad uga gudbinayaan maxkamadda sarre ee dalka.

Xalane ayaa qorshaha xeerka Beyle uu soo saaray ku sheegay mid dhabaha u xaaraya musuq-maasuq hor leh inuu ka dhaco waaxda Garsoorka dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xeerka Ajuuradda Maxkamaddaha ee uu dhawaan soo saaray Beyle ayaa waxa uu dhigaya in qareenada ay bixiyaan lacag dhan $500 si ay u sameystaan aqoonsi, midaasi oo sanadkiina laga rabo kala bar midda markii hore laga qaaday.

Sidoo kale waxa xusid mudan oo xeerkaasi ku jirra in qofkasta oo dacwad ka furanaya maxkamadaha dalka laga rabo lacag dhan $200, middaasi oo si weyn looga hor-yimid.