Sawiro: Rag loo haysto kiiska Xamdi oo maanta maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwadda rag loo heysto dilkii iyo kufsigii degmada Waabari loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 sano jir aheyd.

Ragga ay dacwadooda ka bilaabatay maxkamadda ayaa waxaa ay gaarayaan 7 qof oo uu ku jiro eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo laga soo qabtay gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo qirtay in marxuumadda uu geeyey hotelka.

Sidoo kale waxaa ragga maxkamadda ka soo muuqday ka mid ah milkiilaha hotelka dhacdadu ka dhacday iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa.

Fadhiga ayaa waxaa sidoo kale ku sugan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka,sida Xildhibaan Xasan Macalin iyo Naciimo Maxamed, dadweyne iyo ehellada marxuumadda.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ballaaran oo cadaalad loogu dalbayey marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Banaan-baxa ayaa waxaa dhigay qaar ka mid ah ehellada marxuumadda iyo dadweyne fara badan, kuwaas oo saluug ka muujinayey habka loo maamulayo kiiskaas, kadib markii la sheegay in is-bedal lagu sameeyey qaar ka mid baarayaasha dhacdadaas.

Sheekada Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb gashay imtixaanka dowladda ayaa dad badan taabatay, kadib markii la’isugu daray kufsi & dil.