Xidlhibaanada BF oo jawaab kulul ka bixiyey falkii ay ku kaceen ciidamada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gobolka Gedo.

Xildhibaanadan ayaa si gaar ah uga hadlay fal isugu jira dil iyo dhaawac oo ciidamada Kenya ugu geysteen dad shacab ah deegaanka Yadoo oo hoostaga magaalada Ceelwaaq.

Xildhibaan Haashim Nuur Aadan oo shirkaan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ka dambeeyaan ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse aan qeyb ka aheyn, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Kenya looga baahan yahay inay si deg-deg ah ah uga jawaabto falkaasi arxan darrada ah.

Dhankiisa Xildhibaan Daahir Jeesow oo madasha ka hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in Kenya ay weligeed dhibaato ka geysan jirtay deegaanada Jubbaland, isaga oo tilmaamay in tacadiyadaas aan looga hari doonin, waxna laga weydiin doono.

Si kastaba ha’ahaatee qeylo dhaanta ka soo yeertay xuildhibaanadan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan cabsi xoogan oo ay qabaan dadka deegaanka ay ka taagan tahay duleedka degmada Ceelwaaq oo ay duqeymo joogto ah ka fuliyaan diyaaradaha Kenya.