Rooble oo Axmed Madoobe iyo Waare kala halday in hal mid la ilaaliyo + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha maamulada Jubbalanad, Mudane Axmed Maxamed iyo Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorsheyaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Rooble ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud.

Axmed Madoobe iyo Waare ayaa xilkan cusub ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ku booriyeen inuu soo dhiso ‘Xukuumad tayo leh’ oo ka tarjumeysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu maanta kulan la qaatay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xog-wareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu furfuran yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed.

Mudane Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorsheyaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.