Dumar badan oo xanuunsan una baahan qalab Digfeer kaliya laga helo balse xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Soomaaliya laga sheegay cudurka Covid-19, islamarkaana laga helay dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer, waxaa hakad ku jiray shaqada Isbitaalka waxaana aad looga dareemay magaalada Muqdisho.

Isbitaalka ayaa joojiyay daaweynta dadka Isbitaalka jiifin ama waxa uu joojiyay qabashada bukaano cusub, waxayna arrintaan soo jirtay muddo bil ka badan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Haween badan ay Muqdisho ugu xanuunsanayan Kansarka naasaha. Sidoo kale Caasimada Online ayaa heshay warbixin sheegaysa in Scan-ka lagu ogaado in qofka dumarka ah qabo Kansarka naasaha laga helo oo kaliya Digfeer guud ahaan dalka waxaana u dhiban dumar badan.

Inkastoo Isbitaalka wali ay dad jiifaan haddane waxaa ka maqan inta ugu badan dhaqaatiirtii waa weyneed ee dadka daaweyn jiray kuwaas oo kamid noqday in kabadan 100 qof oo Turki u dhashay oo dalka laga saaray.

Dhaqaatiir badan oo Soomaali ah iyo ehallada dumar badan oo xanuunsan ayaa dalbaday in si deg deg ah loo keeno dhaqaatiirtii howshaan qaban laheyd maadaama ay xanuunsanayaan dumar badan.

Isbitaalka Digfeer waa Isbitaalka kaliya oo qalab dhameestiran heesta oo dalka ku yaalla waxa uuna kamid noqday goobaha uu saameenta weyn ku yeeshay Cudurka Covid-19, oo wali ka jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka.