Imaaraadka Carabta oo si sir ah u curyaamiyey qorshihii Sacuudi Carabiya ee laba dal

Tripoli (Caasimada Online) – Dadaallada Sacuudi Carabiya ay ku dooneeyso in ay saameyn ugu yeelato Bariga Dhexe islamarkaana ay noqoto hogaamiyaha Carabta Dunida waxaa cuuryaaminaya Imaaraadka Carabta, sida uu Khabiir arrimaha Bariga Dhexe ku xlee-dheer uu u sheegay TV-ga TRT ee Turkiga.

Tusaale cad waa dagaalka Libya, halkaas Sacuudigu uu si toos ah u taageeray ololihii dhiigu ku daatay ee Khaliifa Xafter uu sanadkii lasoo dhaafay ku doonayay in uu ku qabsado magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli.

Si kastaba ha ahaatee, ka sokow dhaqaalaha ay xukuumadda Riyadh ku taageereyso Xafter, Imaaraadka Carabta ayaa kala wareegay ninka awoodda ku leh Libya, sida ay khubaradu sheegayaan.

“Sacuudigu waxaa uu si qarsoon ugu carreysanyahay is-muujinta iyo go’aanq aadashada kaliga ah ee sii kordhaysa ee Imaaraadka Carabta, gaar ahaan arrinta Yemen,” ayuu yiri khabiirka.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, iyo xulifadooda waxay dagaal militari ku qaadeen Yemen sanadkii 2015-kii iyagoo isku deyaya in ay dib u soo celiyaan xukuumadda Madaxweyne Cabdi Rabbu Mansoor Haadi islamarkaana ay u bur-buriyaan dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta.

Si kastaba, Shan sano oo dagaalku socday, boqortooyadu ma aysan gaarin wax hadafkeedii ka mid ah, Imaaraadka Carabtuna waxaa uu si tartiib-tartiib ah uga furanayaa xukuumadda Riyadh.

Imaaradka iyo Sacuudigu markii horeba waxay ku loolamayeen gacanta sare ee koofurta Yemen, halkaas oo Imaraadku uu taageero dhaq-dhaqaaqa gooni u goosadka oo doonaya in Koofurtu ay ka madax-banaanaato inta kale ee Yemen.

Bishii April 25-keedii, Golaha Xaaladda Kala-guurka Koofureed ayaa maamul gooni isu tag ah uga dhawaaqay koofurta Yemen, waxayna caasimad ka dhigteen magaaladda Cadan.

Talaabadaasi waxay kicisay loolan siyaasadeed ee oo soo wajahay taageerada Sacuudiga waxayna dhalisay caqabad weyn ee dhinaca diblomaasiyadda ah oo Sacuudiga qabsatay.

Sacuudiga oo la halgamaya awooda xadidan ee militari iyo cadaadiska dhaqaale ee ka dhashay dagaalka, ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la furay Xuutiyiinta bilihii lasoo dhaafay, taasi oo muujineysa qirasho ah in dagaalka looga adkaaday.

Duqaymaha cirka ee Sacuudigu ka geystay Yemen waxay sababeen waxa ay Qaramadda Midoobay ku tilmaantay xasarad banii-aadanimo tii ugu xumeyd ee aduunka soo martay waxaana duqaymahaas ku dhintay 100,000 oo qof.