Wiil dhalinyaro ahaa oo xalay Mindi lagu dilay, Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo burcad ah oo doonayey inay Mobile-ka gacanta ka dhacaan wiilkaasi dhalinyarad ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cabdicasiis Farxaan Jaamac, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in uu ka dhaga adeegay inuu Taleefanka dhiibo, kadibna ay Mindi ku dhufteen ragga burcada ah oo Mobile-ka horay uga sii qaatay

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilka wiilkaasi dhalinyarada ah ay goobta isaga baxsatay falka kadib.

Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Dhacdadan ma’ahan mid ugub ku ah Hargeysa, waxaana mararka qaar dhibaatooyin amni darro oo dhac u badan xilliyada habeenkii ah magaaladaasi ka geysta rag burcad ah.