Duqa Istanbul oo sheegay inuu baxsaday wiilka Xasan oo loo haystay kiis dil ah

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.” 

Ekrem İmamoğlu ma shaacin sida ay baxshadu u dhacday. Balse waxaa horey u jiray warar sheegaya in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu haystay xasaanad diblomaasiyadeed, oo sidaas ay usii daayeen booliska.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.