Duqa Muqdisho oo doorashadii Farmaajo kadib dhul qaali ah ka iibiyay ganacsato

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani” ayaa sii wada ku takrifalka hantida qaranka, iyadoo la filayay in ay hakan doonto boobka sharci darada ee Duqa Muqdisho iyo kooxo ganacsato ah ku midoobeen.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo oo sheegay doorashadiisii kadib inuu la dirirayo masuq maasuqa iyo ku takrifalka hantidada qaran wuxuu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu bixiyay 27 boos oo ku yaal degmada Waaberi, gaar ahaan inta u dhaxeysa dhabarka danbe ee Hotel Afrik iyo Warta Biya-galeenka.

Boosaskaasi oo ahaa oobasiibooyin si qasab ah looga kiciyay dad shacab ayaa wuxuu guddoomiye Boorsaani uu ku wareejiyay ganacsato ka beec mushtara dhulalka, waxaana hadda socda cabirka dhulalkaasi oo la bixiyay doorashadii Farmaajo kadib.

Hotel Afrik, dhabarka danbe dhulka ku yaal ee la bixiyay

Dhulkaasi oo horay loo bixiyay ayaa muran badan oo ka dhashay sababay is qabqabsi markii dadkii deganaa laga kiciyay, waxaase markii xiisada degtay kadib guddoomiyuhu ku wareejiyay ganacsato.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa wuxuu shaqsiyaad gacansaar kala dhaxeeyo uu ku abaal mariyay ilia 16 boos oo ku yaal agagaarka saldhiga degmada Waaberi, dhulkaasi oo ay dowladdu laheyd.

Mar aan la xiriirnay Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo jiritaanka warkaan, hase ahaatee wuxuu ku gaabsaday in dowladda hoose ee Xamar inay iyadu xaq u leedahay hadiiba la yiraahdo bixin dhul cid galena aan shaqadeeda aheyn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga sugayaa ballan qaadkiisii ahaa la dagaalanka masuq-maasuqa iyo boobka hantida shacabka iyo mida dowldada.

Laakiin Guddoomiye Boorsaani ayaa ku guda jira hanti abuurasho maadaama soo baxayaan warar sheegaya in xilka uu weyn doono, inta u harsans uu ka faa’iideysanayo, isagoo dareensan ama tuhmayo in ay soo bixi doonto dikreetada xil ka qaadistiisa marka la dhiso xukuumadda cusub.

Wuxuu horay guddoomiyuhu bixiyay xiligii ololaha doorashada dhulkii Terabuunka iyo Digfeer u dhaxeeyay, dhulkaasi oo ka koobnaa 128 boos oo lacagtii uu kaga iibiyay ganacsato ay ka mid yihiin Xasan Mire guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro iyo C/qaadir Cumar Caddaan ayaa waxaa lagu galay ololihii doorasho ee xildhibaanada Xasan Sheekh taageersanaa lagu soo saaray iyo doorashadii madaxweynaha.

Waxaa wararkeena danbe idiin kugu soo gudbin doonaa caddeymo iyo documentiyadii uu guddoomiyaha ku bixiyay dhulalkaasi danta guud ee laga iibiyay ganacsatada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com