Duqa Muqdisho oo ka war bixiyey halka ay ku maqan tahay “lacagta la xaday”

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga jawaabay eedeyntii kasoo baxday Guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kagu faah-faahiyey lacagta la sheegay in maamulka uu musuq-maasuqa.

Qoraaka ayaa u qornaa sidaan:-

Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada.

Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda.

Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon.

Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo.

Farqadda 9aad (b), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS).

Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka.

Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay.

Sida ku cad farqadda 9aad (f), Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalaha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%.

Sida ku cad farqadda 9aad (g), Maamulka G/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido.

Sidaas darteed, waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Mqudisho
Caasimada@live.com