Dagaak ka qarxay xuduuda SOOMAALIYA iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduuda u dhaxeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagalkaasi la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka dagaalamaya la sheegayaa inay yihiin xoolo dhaqato.

Walow aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan in hub culus ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xuduuda ay ka wadaan gobolka Galgaduud.

Xoola dhaqata ayaa dagaalkooda wuxuu ka bilowday ceel biyood iyo dhul daaqsimeed ku yaala deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduuuda , sida dadka deegaanka ay sheegeen.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com