Guddiga maaliyadda BF oo weli ku dhagan BEYLE iyo war cusub oo kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay wali wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ka sugayaan jawaab cad oo ku saabsan qoraalkii ay soo saareen.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Cali, oo kamid ah xubnaha guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay faragelin ku heyso arrimaha baarlamaanka, islamarkaana laga dheehan karay sida shalay guddoonka baarlamaanka u hadlayay.

Wuxuu sheegay in guddigooda wali uu sugayo Jawaab cad oo ku saabsan eedeynta ay soo saareen ee ku aadan sida loo musuq maasuqay dhaqaalo loogu talo galay ummada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wasaaradda ka doonayaan inay qoraal ahaan kaga soo jawaabto eedeynta loo jeediyay oo aysan aqbaleynin waxii shalay ka dhacay gudaha xarunta golaha shacabka.

“Baarlamaanka ayay sida laga yeelayo u taalaa, guddiga wuxuu soo diyaarin karaa sidey wax u jiraan, laakiin gacansiin waxaa looga baahan yahay barlamaanka”

“Waxaa meesha ka cad in xukuumadda fara gelineyso, siday maanta u hadlayeen markaad aragto, Wasaaradu waa inay qoraal uga soo jawaabto, ileen waxaa xisaab waxaan dooneyno”Ayuu yiri xildhibanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com