Gudiga doorashada K/G oo mar kale go’aan ka gaaray musharaxnimada Roobow

Baydhabo (Caasimada Online) –  Sheekh Mukhtaar Rooobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta mar kale la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhaceyso shanta December.

Waa markii labaad ee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shahaadada siisyaan Roobow, ayada oo guddigii hore ee is-casilay uu beddelay guddi cusub oo qasab ka dhigay in mar kale shahaadada la qaato.

Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayey in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor.

Sidoo kale Saransoor ayaa isna maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo.

Tallaabadan ayaa dhabar jab ku noqoneysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow, iskuna dayeysay inuusan tartamin.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’neyd inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan adag, oo looga adkaan karo.

Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com