C/raxmaan Bayle been ma sheegin, runna ma sheegin

Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda Dowlada Federaal ee 2018 wuxuu Baarlamaanka ansixiyey 6 Agoosto 2017. Miisaaniyada la ansixiyey waxey ahayd $274 malyan. Waxeyna ka koobnayd $156 malyan oo dowladda canshuurta gudaha dalka ka soo saari doonto iyo $118 malyan dakhli deeq ahaan kaga imaan doonta hay’adaha iyo dowladaha miisaaniyadda dowladda Soomaaliyeed ka kaalmeeya sida ( EU, USA iyo World Bank).

50 Malyan ee Sacuudiga waxey timid bishii September kadib markii la ansixiyey Miisaaniyadda Dowlada mana ahayn lacag Dowladda Soomaaliya miisaaniyadeeda ku xustey ama la filayey, sidaa darteed ayaa kayd ahaan loogu dhiibey Bangiga Dhaxe loona dhigey Akoon Bangiga Dhaxe ku leeyahay dalka Turkiya.

Bixinta iyo isticmaalka lacagaha kaydka ah wuxuu maraa Xeerka Habraaca Miisaaniyadda kaydka . Xeerkan wuxuu u qorayaa in Wasiirka Maaliyadu isticmaaliyo karo lacagta kaydka marka ay timaado xaalad deg deg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacey ama kharashaad muhiim u ah Qaranka oo lama huraan ah kasoo aan muuqan markii la diyaarinayey qoondada Miisaaniyadda. Isticmaalka lacagta Kaydka waxaa ansixiya Golaha Wasiiradda kadib Wasiirka wuxuu la wadaagayaa Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka.

Haddaba su’aallaha isweydiinta mudan waa lacagta $35 malyan ee Dowladdu kala baxdey akoonka Bangiga Dhaxe ku leeyahay dalka Turkiya Golaha Wasiiradda ma ansixiyeen?. Ma lala wadaagey Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ?. Wasiir Bayle labadaa arrimood kama sheegin Golaha Shacabka. Midda kale Wasiirku ma faahfaahin sababta keentey in lala baxo lacagta Keydka ahayd iyo baahida lagu dabooley ee lama huraanka ahayd.

Wasiir Bayle waxey shacabka Soomaalida ka rabaan in u sharaxo
1. Dakhligii Dowlada ay filanaysey in gudaha ka soo xaroodo ee ahaa $156 malyan ma soo xaroodey?.
2. Dakhligii laga filayey Deeq bixiyaasha ee ahayd $118 malyan ma laga helay ?.
3. Miisaaniyaddii 2018-kii ee $274 malyan ma la wada helay sidii Qorshaha ahaa ee Baarlamaanka u ansixiyey ma loo qarash gareeyey?. Haddii wax isbedel ah jiraan la wadaag shacabka. Waa in ay daahfurnaan ay jirtaa.
4. Lacagta Sacuudiga ($50malyan)ee Kaydka ahayd oo ay xukuumadu ka isticmaashey $35 malyan maxaa keeney in la isticmaalo?. Maxaa lagu baxshey qarashkaa?. Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka ma lala wadaagey?.

Wasiir Beyle waxaa laga rabaa in shacabka Soomaaliyeed ugu jawaabo su’aalaha dusha sare ku xusan sida kalsoonida shacabka u kasbado, dowladduna loo aamino.

Hadii taas la waayo oo eedda xukuumadaada loo soo jeediyey eed kale, gabay iyo maahmaah ugu jawaabto, laakiin xisaab xir aadan la’imin, wuxuu xaalkaadu noqonayaa Wasiir ” Run ha sheegin, Beena ha sheegin waxaad sheegtana ha weynin” iyo nin lagu seexdey oo seexdey!.

W/D: Ilyaas Maxamuud Xuseen