Fadhigii BF iyo warbixintii guddiga maaliyadda oo 10 qodob laga calaamadeeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixinta uu Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda ee lagu baahiyey warbaahinta waxay ahayd Bambo siyaasadeed oo lagu qarxiyey mashruucii ugu weynaa xukuumadda Nabad & Nolol ee ahaa inay ku guuleysatay dib u habeynta hanaanka maaliyadda dalka iyo la-dagaalanka musuqa oo beesha caalamka ay u qirtay.

Warbixintan waxay keentay jawaabo kala duwan, qolo walibana waxay u dhigtay sidii ay rabtay, iyadoo ay si weyn ula dhaceen mucaaradka dowladda, waxaase la yaab lahaa sidii ay u wajahaday xukuumadda Soomaaliya.

Warbixinta oo Guddi ka tirsan Baarlamaanka kasoo baxday waxay ku soo hormartay Saxaafadda, taasoo muujineysa inay ujeedo laga lahaa, ka baxsan xisaabtanka, waxaana isla markiiba laga sameeyay warar iyo warbixinno lagu baahiyey luqadda Ingiriiska, taasoo iyaduna ujeedkeedu ahaa in la gaarsiiyo beesha caalamka.

Hab-dhaqanka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka qaarkood, jawaab celintii Xukuumadda iyo wixii ka dhacay Baarlamaanka fadhigiisii 24-ka November 2018 waxaa lagu soo koobi karaa 10-ka Qodob ee soo socda:

BAARLAMAANKA

1- In Warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kuwa la mida ah ay yihiin kuwo si weyn loogu baahan yahay, iyadoo loo marayo dariiqa sharciga ah, daacadna laga yahay si loola xisaabtamo hay’adaha fulinta dowladda.

2- In mugdi badan ku jiro sida loo maamulo dhaqaalaha dalka, isla markaana ay weli socoto ku takri falka dhaqaalaha iyo musuq la isla ogyahay.

3- In Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ay la wareegeen koox ka tirsan dowladii hore iyo xisbi mnucaarad ah oo dano gaara u adeegsaday, iyadoo uu soo shaac baxay xildhibaanka arrintan oo dhan ka dambeeyay.

4- In Guddiga Maaliyadda iyo Baarlamaanka ay u taallo xisaabxirka sanadkii hore ee 2017 oo aan weli laga doodin, tani waxay caddeyn u tahay inaan isla xisaabtan meesha oolin mar haddii laga doodayo misaaniyadda sanadkan 2018, iyadoo sanadkii hore xisaabxirkiisii aan la xirin.

5- In jiritaanka iyo waxgalnimada Guddigan muhiimka ah uu halis ku jiro markii uu dhexda u galay koox danley mucaarad ah oo ka tirsan iyo xukuumadda oo dagaal ku qaaday. Ma cadda sida uu u sii shaqeyn doono, laga yaabee inuu sidan howlgab ku noqdo.

6- In guddoonka Baarlamaanka gacanta ugu jiro madaxda sare ee dowladda oo aanay suuragal ahayn inay xeeriyaan go’aan aysan raali ka ahayn madaxda sare.

XUKUUMADDA

7- In xukuumadda Soomaaliya ee xilligan jirta ay ka go’an tahay inay dagaal siyaasadeed iyo cadaadis dhinac waliba leh la gasho koox kasta oo ka hor timaada.

8- In xukuumadda ay faragelisay, isla markaana kala qeybisay Guddiga Maaliyadda; khalad kastoo dhinaciisa ka yimaada waxay ahayd inay ka jawaabaan oo kaliya eedaha loo jeediyey, waxayna tani muujineysa inay jiraan wax la qarinayo.

9- In wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan xukuumadda Kheyre ay dhibaato weyn ku hayaan shaqadii Baarlamaanka, iyagoo mar waliba oo loo baahdo ka qeyb gala fadhiyada Baarlamaanka, si ay wixii ay sharci ku waayaan ay buuq iyo sharci darro ugu soo dhacsadaan.

10- Inaan Baarlamaanka hadda jira laga sugin inuu la xisaabtamo xukuumadda hadda jirta, haddii aanu isbedel dhicin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com