Kooxo hubeysay oo dil ka geystay degmada Shibis

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana goobta ka baxsaday kooxaha dilka ka geystay degmada Shibis.

Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kasoo baxay ciyaarta Kubbada Cagta oo uu ku ciyaarayay meel aan ka fogeyn halka lagu dilay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Lama oga waxa uu ahaa wiilka dhalinyarada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu kamid ahaa ciidamada Nabad sugida, inkastoo aan la xaqiijin.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dilka ka dib waxay baaritaan ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen, iyadoo ay baxsadeen dadkii falka ka dambeeyay.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka tirsan dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com