Madaale oo soo saaray amar saameynaya mas’uuliyiin badan oo ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Hodan ayaa ka hadlay amniga guud ee caasimada.

Guddoomiye Madaale ayaa soo saaray amar culus oo la xiriiro sugidda amniga Muqdisho, kaas oo saameynaya mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hubka ku dhex qaata gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen hubka culus, isaga oo sheegay in ciddii lagu arko laga qaadi doono tallaabo adag.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka inay u hoggaansamaaan amarkaan, isla-arkaana ay digtoonaadaan waxyaabahaasi.

”Hub culus magaaladan laguma dhex qaadan karo amar waa qaadasho guddoomiyeyaasha degmooyinka haka digtoonaadaano” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howlgallada ka wada xaafadaha Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab, loona soo qabto burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis Militaar ah oo dhowaan lagu soo tababaray waddanka Uganda.

Si kastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii amar guud oo kan ka sarreeya uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada faray inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan gaari kasta oo xoog ku mara baraha koontarool, sidoo kalena ay xakameeyaan hubka waa weyn.