31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Diyaarado shacab ku xasuuqay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay maanta duqeyn lixaad leh ka geysteen deegaano hoostaga Gobolka.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanno hoostaga degmada Jilib, waxaana lasoo warinayaa in khasaaro badan ay ka dhalatay duqeynta.

Deegaanada ay Duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah Deegaanka Hargeysa yareey oo hoostaga degmada Jilib halkaas oo illaa 3 goobood laga duqeeyay.

Sidoo kale, qaar kamid ah gantaalada ay diyaaradaha tuureen ayaa ku dhacay dhul beereed ku yaalla deegaanka Hargeysa yareey ee hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ma jiro war kasoo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee ku aadan duqeynta, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in duqeynta ay ku dhinteen dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News