28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlay amni darada kusoo korortay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay xaaladda amni daro ee kusoo korortay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho.

Yuusuf Madaale, ayaa ugu horeyn sheegay in magaalada Muqdisho labadii todobaad ee lasoo dhaafay inay kusoo kordheen dilalka qorsheysan, qaraxyada dadka loogu xiro iyo bambooyinka lagu weeraro fariisimaha ciidamada dowladda.

Wuxuu sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay muddo la noolaayeen falalka amni darada ah ee ka dhacaya caasimada, balse hadda loo baahan yahay in wax ka badalid lagu sameeyo hanaanka lagu sugayo amaanka Caasimadda.

“Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, ama dilalka qorsheysan ha noqdaan ama bambaanooyinka ha noqdan ama miinooyinka ha noqdaan, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”.

“Tayadiisa ayaa laga yaabaa inaysan gaarsiisneen halkii laga rabay, cadowga meesha uu jooga in lagula dagaalamo ayaan qabaa, waa la yaqaanaa cadowga Meesha uu joogo, waa in halkaasi lagula dagaalamaa”ayuu yiri Mr Madaale.

Guddoomiye Madaale dhibaatooyinka hadda ka jira magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay ka jireen waqtigii uu guddoomiyaha ahaa, balse hadda loo baahan yahay in wax iska badalaan amaanka maadaama dowladda Soomaaliya ay degen tahay.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala eegtay ciidamada AMISOM, dad xilal haya iyo dad rayid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News