Duulaanka Imaaraadka iyo Daymo la’aanta Soomaalida!!

Dowladda Imaaraadku waxay dhaqaale badan ku bixisay in uu Soomaaliya Madaxwayne ka noqdo Siyaasi ku shaqeeya aragtidooda guracan, iyo boobka ay ku hayaan khayraadka dabiica ah ee dhulka Soomaaliya, xaraashka iyo hanti-boobka ay ku hayaan ila-dhaqaale ee dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Soomaaliya in aysan ka faa’iidaysan Khayraadkeeda Bad, Birri, Iyo Cirba. Fashilkii 1aad wuxuu ku dhacay markii ay dhaqaale badan siiyeen xilliyadii Doorashadu ay socotay Sanetor Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo xilligaa ka mid ahaa Murashaxiinta, shirar is xig-xigana ay Maamullada ugu yeertay Abu Dubia.

08 – Febru – 2017 – Markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doorashada kaga adkaaday 21 Murasharax, dowladda Imaaraad-ka waxay aamintay in ay ku guuldaraysanayso qorshaheeda guracan ee ay Soomaaliya ka damacsantahay, bacdamaa MD Farmaajo yahay Wadani aan ka yeelaynin damacooda lagu hagar-daaminayo dalkaan soo kabashada ku jira.

March 05, 2017 – Safiirka isu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabto Magaalada Abu Dubai kadib markii ay dhaceen dibad baxayo lagu codsanyo in dowlada Imaaraadku  ka baaqsato dhisidda Saldhig Militari ee ay ku yeelaneyso Magaalo Xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland Iyo la wareegida Dakada Boossaaso.

April 05, 2017 – Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa in ka badan 20 Xildhibaan waxay mooshin ka keeneen Saldhiga Milatry ee Imaaraadku ay qorshaynayaan in ay ka furtaan Berbera, inkastoo Mooshinkaasi uusan noqon mid natiijo ay kasoo baxdo.

Apr 10, 2017 Iyo Sidoo kale – Nov 21, 2017 – Labo safar oo Madaxwayne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kaddib markii Madaxwaynuhu ka biyo diiday Laaluush-ka, khiyaannada, iyo aragti gaabnida ay Imaaraadku rabaan in ay Dalkaan uga hor istaagaan in uu dib cagihiisa ugu istaago.  Waxaana Madaxwayne Farmaajo uu si diblumiyaasiyad ah uga gaabsaday in uu ka hadlo waxyaabihii uu Imaaraadka kala kulmay labadii safar-ba.

Markii ay Dowladda Imaaraadka u cadaatay in aysan Hoggaanka Soomaaliya uga suurto-galaynin qorshahooda gurracan, waxay go’aansadeen in ay mugdi galiyaan Midnimada Soomaaliya. Si qorshahaas loo hirgaliyana waxay Imaaraadku xoogga saareen in ay dagaal 3 waji ah ku furaan dowladda, kaasi oo la iskana hor-keenayo 3daan qaybood oo saldhig u ah Midnimada Soomaaliya Xilligaan, waana:

v  Dowladda Iyo Maamul-goboleedyada

v  Dowladda Iyo Baarlamaanka

v  Dowladda Iyo Shacabka.

Si qorshahaas loo ambaqaado waxay Dowladda Imaaraadka Carabtu ay dhaqaale ku bixisay iyadoo adeegsanaysa Cumar C/rashiid in  Maamul-goboleedyadu ka hor-yimaadaan go’aankii taariikhiga ahaa ee khilaaf-ka Khaliijka ay ka qaadatay Dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa Soomaaliya in ay Dhex-dhexaad ka tahay Khilaaf

Maamulka Puntland ayaa Aug 16, 2017 waraaq uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay taageersanyihiin maamul ahaan xulufada Sacuudigu uu hoggaaminayo. Intaas kaddib-na, Sep 18, 2017 Isla warqad la mid ah tii Puntland waxaa soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed, Halka taariikhdu markay ahayd  Sep 20, 2017  Galmudug-na ay soo saartay warqad la mid ah tii Puntland iyo Koonfur-Galbeed.

Sept, 22, 2017 – Ayaa waxaa Dalka Imaaraadka Carabta isugu tagay Madaxda Maamul-Goboleedyada, marka laga reebo Axmed Madoobe, waxaana shirkaasi oo u dhaxeeyay Dowlad-Goboleedyada Iyo Imaaraadka u kala dab-qaaday Senetor Cumar C/rashiid oo ah La taliyaha Imaaraadka u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya. Natiijadii kasoo baxday shirkaasina waxay noqotay in Kiskaamyo lagu qabto Shir ay Dowladda Imaaraadku ku bixiyaan dhaqaale badan, waxaana taariikhdu markay ahayd  Oct 11, 2017 Natiijadii Kismaayo kasoo baxdayna ay noqotay in ay Maamulladu samaysteen  (Gole Iskaashi) Oo Guddoomiye looga dhigay Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas, halka kuxigeenna looga dhigay M/wayanaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu si xil-kasnimo, mas’uuliyad, iyo geesinimo leh ku xakameeyay dhul-gariirkii Siyaasadeed ee Kismaayo ka dhacay, wuxuuna Maamul-goboleedyada ugu baaqay in ay xasuustaan kitaabkii ay dalkaan u mareen, mas’uuliyad-na iska saaraan dalkaan sookabashada ku jira, isagoo ugu baaqay shir dag dag ah oo wadatashi ah, laguna xallinayo wixii khilaaf ah oo jira Oct 22, 2017

Oct 10, 2017 – Waxaa dalka Imaaraadka Carabta shir ku yeeshay Madaxwaynayaashii hore ee Dalka Xassan Shiikh, Shiikh Shariif, R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid, Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Shirkaasi oo waxaa lagu dajiyay qorshihii ugu dambeeyay ee lagu af-gambinayo Dowladda uu Madaxwayne Farmaajo Hoggaamiyo, iyadoo laga faa’iidaysanayo Khilaafka Imaaraadku abuureen ee u dhaxeeya Maamullada Iyo Dowladda Dhexe.

Balse, wax kasta waxay is badeleen markii Madaxwayne Farmaajo uu hishiis taariikhi ah la saxiixday  Maamul Goboleedyada bishii Nov 5, 2017 – Hishiiskaasi oo noqday mid Soomaalida iyo Beesha Caalam-kuba soo dhaweeyeen, wax wayna ka badalay xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd https://www.voasomali.com/a/4093610.html.

Nov, 01, 2017 Arbaco –  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho. Inkastoo magac ahaan ay ciidankaasi Imaaraadku ay dowladda ugu wareejiyeen, hayse ahaatee wali muushaarkooda, iyo awaamiirtooda waa ciidan si rasmi ah ah u hoos-taga Safaaradda Imaaraadku ay Soomaaliya ku leeyihiin, gaar ahaan xafiiskooda

Nov, 10, 2017 – Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa warqad u yeeris dal ku laabasho ah u dirtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey Axmed, waxaana isla bishaas  Nov, 13-keedii uu ka biyo diiday in uu u hoggaansamo amarkii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Dhammaan-ba markii ay fashilmeen duulaan-kii bahalnimada ahaa ee ay rabeen in ay Soomaalida ku kala qaybiyaan, Qaran-ka ku dimiyaan, ayay bilowgii bishaan Dec 2017 –Dowladda Imaaraad-ku iyadoo adeegsanaysa Siyaasiyiinta kale ah Cumar C/rashiid, Iyo C/raxmaan C/shakuur waxay bixiyeen dhaqaale cadadkiisa lagu qiyaasiy 20 Milyan  Dhaqaalahaas oo loo qorsheeyay in loo qaybiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay Mooshin uga keenaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta ay Imaaraadku u isticmaalayaan weerarka qaawan ee Qaranimada Soomaaliya lagu majo xaabinayo oo ay ku jiraan xildhibaayo iyo rag kasoo jeeda jihooyin kale duwan oo siyaasada ku fashilmay, dowladdana xilal ka waayay, tillaabooyinkii ugu horreeyay ee dowladdu ay qaaday ayaa noqatay in ay baaritaan ku samayso howlgalka ka socda Muqdisho, waxaana howlgalkaasi Baaritaanka ahaa  mirii kasoo baxay ka mid ahaa  In Bishii December, 17, 2017  Uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir  shirjaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay  in ay jiraan Xidhibaano Qaran Dumis ah oo dambiyo waawayn dalka ka galay. Xeer ilaalihu Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in xasaannada laga qaado 2 xildhibaan ee kale ah Xassan Macalin Maxamuud Iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

Isniin Dec 18, 2017 – Howlgal sababay dhimasho iyo dhaawac waxay hay’adaha Amnigu kusoo qabteen Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo la aaminsanyahay in Gurigiisu u ahaa goobta laga maleegayo qorshaha guracan ee Imaaraadku ay Qaranka ku duminayaan, waxaana hay’adaha Amniga usuurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan cadaymo rasmi ah iyo Documentiyo ka markhaati ka caya tuhunkii ay dowladdu ka qabtay Imaaraadka iyo shaqsiyaadka ay adeegsanayaan.

Mar kale – Imaaraadka oo uu ka fashilmay weeraradii naf-la caariga ahaa, waxay markay taariikhdu aheyd 31 Dec, 2017 – Weerar qaawan ku qaadeen guriga Senetor Cabdi Qayb-diid, iyagoo adeegsanaya ciidankii ay Bishii Nov 01, 2017 – ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya, tillaabadaan markii ay dhacday ayaa isla xilligii waxaa ka falceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Bartiisa Twitter-ka Soodhigay amar uu talyaha Ciidanka Xoogga ku farayo in dag dag lagu soo qabto cid kasta oo ka dambaysay weerarka bahalnimada ah ee lagu qaaday Guriga Senetor Cabdi Qaybdiid https://twitter.com/TheVillaSomalia

Waxyar kaddib, Talyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas General Gorod  iyo Senetor Cabdi Qaybdiid ayaa gaaray goobtii weerarku uu ka dhacay, waxayna sheegeen in ciidanka howlgalkaas fuliyay uu ahaa ciidankii Imaaraadku tababaray. https://www.youtube.com/watch?v=S1VFWFOJznY

Howlgal baaritaan oo ay hay’adaha amnigu sameeyeen waxaa lagu soo xiray 4tii sargaal ee howlgalka fulisay iyo ku dhawaad 40 ciidan ah oo ahaa kuwii Imaaraadku u adeegsadeen howlgalkaasi.

Xilligaan waxaa dalka Imaaraadka ku sugan Senetor Cumar C/rashiid, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo ku dhawaad 20 xildhibaan oo ilo xog’ogaal ah ay xaqiijinayaan in ay maleegayaan qorshe kele oo lagu majaxaabinayo midnimada Soomaaliya.

Haddaba meeye aqoonyadii ? Meeye Waxgaradkii Soomaaliyeed ? Meeye Siyaasiyiintii rajada ka qabay dalkaan ? Iyo Culumadii? Soo ma habboona in aan fadhiga ka kacno ?

  1. Qaybtaan waxaan kusoo bandhigay dhacdooyinkii sanadkaan Imaaraadku ay ku fashilinayeen Qaranka Soomaaliya, waxaana qayb-ta labaad ee maqaalkaan aan ku odorosayaa in jawaabo rasmi ah loo helo su’aalahaan:
  2. Codownimada Imaaraadku ay Soomaaliya u qabaan xaggee bay salka ku haysaa ?
  3. Imaaraadku waayo cidda ay u adeegsanayaan duulaanka ay Soomaaliya ku hayaan ?
  4. Waa maxay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ku aadan duulaanka Imaaraadka ?
  5. Haddii xagmiga intaas le’eg oo dagaalka ah ay Imaaraadku ay Soomaalya ku hayaan, waa maxay doorka shacabka Soomaaliyeed ?

Aqoonyahan Maxamed Cali

ma9221058@gmail.com

Moqdisho Somalia