Eed musuq-maasuq oo loo jeediyay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay eedo musuq oo ku wajahan wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Si gaar ah waxa ay isu-dul taageen Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya oo ay tilmaameen in la musuq maasuqay.  

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SOCOTU. 

Waxa ay soo bandhigeen wadahadal gaar ah oo meel ka baxsan dalka ku dhexmaray wasiir Biixi iyo xubno ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO, halkaas oo lagu saxiixay barnaamijkan, waxa ay intaas ku dareen in uu meesha ka maqnaa daraf sadexaad oo ay ahayd in uu goobjoog ka ahaado saxiixa garabkaas oo ah ururada Shaqalaha. 

Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale soo jeediyay in baaris lagu sameeyo ergada uu wasiir Biixi u diray shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC)  iyagoo muujiyay in ergo aan sax aheyn loo diray shirkaasi, taasoo qeyb ka ah arrimaha uu u xiran yahay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada. 

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu si weyn u taageersan yahay siyaasadda Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha JFS mudane Xamza Abdi Barre ee ciribtirka iyo la dagaalanka musuq maasuqa laamaha dawlada JFS,” ayay warkooda sii raaciyeen. 

Ugu danbeyntii, Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa u soo jeediyay reysal wasaare Xamza Cabdi Bare in uu si qoto dheer u baaro qaabkii ay wasaarada shaqada  iyo arrimaha bulshada u wajahday mashruuca shaqo hufan ee  Soomaaliya.