Eedeyn ku aadan heshiiska Imaaradka oo xildhibanada ay usoo jeediyeen dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay eedeyn u jeediyey dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa dowladda cusub ku eedeeyey sababta keentay inaysan ilaa hadda war cad kasoo saarin heshiiska ay Imaaraadka Carabta kula wareegtay Berbera oo ay dhawaan saldhig Militari ka sameysan rabto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibanada hormuudka u ah mooshinkaan ayaa sheegay inay tahay sababta ku kaliftay inay mooshin keenaan maadaama aysan jirin xukuumadii arrintaan ka hadli laheyd sida uu hadalka u dhigay wuxuna xusay inay lagama maarmaan tahay inay xildhibaanada tallaabo qaadaan.

Jeesow ayaa heshiiska Berbera ku tilmaamay inuu yahay mid aan weli lagu kala bixin oo ay su’aal saaran tahay isla markaasna ay ku howlan yihiin sidii ay mooshin lagu diidayo baarlamaanka u hor geyn lahaayeen.

Sidoo kale Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay inaysa dowladda Soomaliya weli war rasmi ah kasoo saarin arrintan ku saabsan heshiiska Berbera iyo saldhigga Imaaraadka Carabta ay halkaas ka sameysan rabto.

Heshiiska Imaaraadka iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa ansixyey baarlamaanka Somaliland kadib markii uu yeeshay kulan muran badan ka dhashay gacantana la isugula tagay.

Lama saadaalin karo sida uu saameyn ugu yeelan doono mooshinkaan go’aanka ay imaaraadka ku gaartay inay Berbera Saldhig ka sameysato balse sida sharciga ah ansax ma noqon doono heshiis uusan Baarlamaanka Soomaaliya ansixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com