Maamulka Gobolka Banaadir oo amar culus kasoo saaray Suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ah Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay suuqa Bakaaraha oo uu dhawaan qabsaday dab xoog leh oo keenay inay baaba’do hanta lagu qiyaasay ilaa 5 Milyan oo Dollar.

Guddoomiyaha ayaa soo indha indheeyey xaaladda Suuqa Bakaaraha kadib gubashadaas wuxuuna halkaas kaga dhawaaqay amar cusub oo ku aadan shirkadaha korontada geliyo suuqa.

Madaale ayaa shirkaddaha Korontada gaar ahaan kuwa ay korontadooda ku jirto Suuqa Bakaaraha ku amray inay si deg deg ah koronta suuqa u mariyaan dhulka isla markaasna ay meesha ka saaraan baalayaasha ay adeegsadaan iyo fiilooyinka suuqa dhex maro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay sababta u weyn oo uu suuqa inta badan ugu faafo dabka ku macneeyey fiilooyinka korontada ee meel kasta ku xiran.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay inaan la ogolaan doonin inay shirkadaha korontada isticmlaan fiilooyin dhismooyinka kor maro taasoo uu ku tilmaamay inay suuqa halis weyn ku tahay.

Hadalka Guddoomiyaha iyo safarka uu suuqa Bakaaraha ku tagay ayaa imaaneyso xilli dhawaan uu dab qabsaday suuqa xilli ay Muqdisho u aheyd saq dhexe  waxaana saacado badan kadib lagu guuleystay in dabkaas la damiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com