Eedeysanayaal loo haysto dilka C/raxman iyo Cali Shariif oo maxkamad la horkeenay

Jowhar (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidmada Qalabka-Sida, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwad ciqaabeed loo heysto Shan Eedeysane oo lagu soo oogay dacwad dilal ay ka geysteen magaalada Jowhar.

Maxkamadda ayaa markii ay furantay waxay dood adag ay dhex-martay Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad iyo qareenada u doodayay eedeysanayaasha 5-ta ah.

Eedeysanaha 1-aad oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xuseen Duurdage ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ay sheegtay in 17-kii bishii 3-aad ee sanadkii 2020-ka uu dil u geystay Askari katirsan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle.

Eedeysanayaasha 2-aad iyo 3-aad oo lagu kala magacaabo Xasan Yuusuf Ibraahim oo kamid ahaa Booliska Hir-Shabeelle iyo Najiib Aadan Axmed Xaaji ayaa loo haysta inay dileen marxuumiinta kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan iyo Cali Shariif.

Sidoo kale Xasan Maxamed Qaareey iyo Maxamed Cabdinuur Xiireen ayaa lagu soo eedeeyay inay tooreey ku dileen Marxuum Maxamed Cismaan Baroow, sida ay ku eedeysay Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qeybta 27-aad.

Markii uu soo dhamaaday fadhiga maxkamadda ayaa waxa uu guddoomiyaha maxkamada ciidmada qalabka-sida qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle uu sheegay inay go’aan kasoo saari doonaan.