Daawo: Muxuu R/W Xamza u sheegay xubnihii uu maanta kula kulmay xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

Agaasimeyaasha ayaa la wadaagay ra’iisul wasaaraha warbixino ku saabsan howlaha hortabinta u leh hay’adaha dowladda, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dar-dar gelinta howlaha iyo adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay xukuumaddiisa u leedahay isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, si meesha looga saaro wax walba oo keenaya tuhun, siina kala fogaynaya ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa uu dul istaagay sida ay muhiimka ugu yihiin agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu howl fulinta shaqooyinka dowladda, isagoo kula dardaarmay in si siman oo daacad ah ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la wareegay xilka bilaabay dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla, ayada oo laga sugayo dhismaha xukuumaddiisa cusub iyo fulinta ballan-qaadyadiisa.