Xog: Sida Xamza u wajahay xiisadii Boosaaso iyo cabsida laga qabo qorshaha Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku baxay daminta shaqaaqo dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Diyaarad siday gargaar kooban oo kusii jeeday magaalada Boosaaso ayaa loo diiday inay ka dagto garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Diyaarada waxaa kaloo saarneyd guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Saacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo laga soo doortay Puntland.

Waxay aheyd markii labaad oo ay isku daydo inay Puntland gargaar gaarsiiso. Horey Garoowe ayey u geysay balse tii Boosaaso waxaa ka dhashay khasaaro ka xoog badan dhowr kartoon oo gargaar ah oo ay galbineysay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhimashada 17 qof yo dhaawac intaas ka badan ayaa lasoo wariyey inuu dhaliyey dagaalkii dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Dadka dhintay ayaa u badan labada ciidan ee PSF iyo PMPF oo iyagu ku dagaalamay in diyaaradaas siday gargaarka ka dagto Boosaaso iyo inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka timid.

Puntland waxay ku dooday inaan lasoo marin habka saxda ah oo ay madaxda dowladda dhexe ku imaan karaan deegaanada maamulka Puntland. SI gaar ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sshacabka waxaa lagu eedeeyey inaysan maamulka la socodsiin imaatinkeeda.

Hoggaamiyaashii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay war kasoo saaray dhacdadii ka dhacday magaalada Boosaaso waxay mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay dusha ka saareen guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay sheegeen inaysan marin habkii loo baahnaa haddii ay tageyso deegaanada Puntland, maadaama ay hambaarsan tahay xil sare oo federal ah.

Waa nasiib-darro weyn gargaar dhowr kartoon ah inuu sababo geeri intaas dhan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la xaqiijiyey inuu deg deg uga howlgalay inaysan xaaladii Boosaaso dhalin mid kasii xun.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan, wuxuu Xamza la xiriiray hoggaanka sare ee Puntland isagoo ka codsaday in xaaladda dhacday xalkeeda loo maro dariiq nabdoon lagana wada-shaqeeyo baarista cidda mas’uuliyadda qaadeysa iyo daweynta dhaawacyada daran.

Hoggaanka Puntland waxaa la sheegay inay soo dhaweeyeen odayeynta ra’iisul wasaaraha iyo in la iska kaashado badbaadinta dhaawacyada daran.

Xildhibaano heer federaal ah oo Puntland kasoo jeeda oo dhawaan ra’iisul wasaaraha la kulmay kadib markii ay timid dhacdadii Boosaaso ayaa iyaguna sheegay inuu ra’iisul wasaaraha ku ballan qaaday garab istaag buuxa si Boosaaso iyo dadkeedu u helaan xasilooni.

Magaaladaan caanka ku ah ganacsiga ayaa ciriiri amni ku jirtay tan iyo markii uu soo bilowday khikaafka Saciid Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa siyaasiyiintii ugu xooganaa ee dhaliyey isbadalkii 15-kii May lagama soo warin qanaaca fiican oo la xiriirta nidaamka cusub ee ka  dhashay Soomaaliya.

Deni oo xilka ra’iisul wasaaraha ku hun goobay ayaa dhacdadii Boosaaso kadib waxay dad badan shaki geliyeen wada-shaqeyntiisa dowladda Federaalka ah.

Waxaa jira walaac ku saabsan in Saciid Cabdullaahi Deni uu middiyaha u afeysanayo dagaal siyaasadeed cusub oo uu la galo nidaamka Villa Somalia.

Puintland ayaa inta badan dagaal siyaasadeed ka gashay madaxdii timid Villa Somalia tan iyo 2009, waxayna mar walba leedahay dooq gaar ah oo ka duwan deegaanada kale.

Balse dadka siyaasadda ka faalooda waxay leeyihiin waayihii dambe dagaal siyaasadeedka Puntland ma aheyn mid deegaan khuseeya ee wuxuu ku wajahnaa dano siyaasiyiin gaar ah leeyihiin.

Mucaaradnimo uu Saciid Deni ku dhawaaqo saacadaha hore ee xukunka Xasan Sheekh iyo Xamza ayaa la aaminsan yahay inay si weyn u dhaawici doonto Deni.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Berri ayaa la iyaguna la xaqjiijiyey inay ku howlan yihiin sidii loosoo afjari lahaa xiisadaha soo noqnoqday ee magaalada Boosaaso.