Dowladda UK oo shaacisay waxa ay ka yeeleyso MO FARAH kadib qirashadiisa

London (Caasimada Online) – Orodyahan Mo Farah ayey neef kasoo fuqday kadib markii uu taageero xooggan ka helay dowladda UK inkasta oo uu qirtay in si sharci-darro oo ah qaab tahriib ganacsi ah lagu soo geliyey Britain isaga oo caruur ah. 

Shaac ka qaadista uu Mo Farah ku sameeyey dokumenteri ay diyaarisay BBC-da ayaa dhaliyey su’aal ku saabsan muwaadinnimadiisa UK, balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadeyn.

Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa yiri “waa geesi cayaareed, wuxuu dhiiri-gelin u yahay dadka dalka oo dhan.”

“Waa xusuusin naxdin leh oo ku saabsan aragagaxa ay dadka wajahaan marka lasoo tahriibiyo. Waana inaan sii wadnaa inaan wax ka qabano dambiilayaasha ka faa’iideysta dadka baylahan.”

Mo Farah oo ah 39 jir ka mid ah orodyahnaada loogu jecel yahay uguna guusha badan Britain, ayaa shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Hussein Abdi Kahin, islamarkaana isaga oo caruur ah lagu qasbay inuu guri ka shaqeeyo kadib markii UK la keenay isaga oo 8 ama 9 jir ah. 

Booliska London ayaa sheegay “inay qiimeynayaan” tuhunada ku saabsan in Mo Farah lasoo tahriibiyey, kadib markii hooyadiis ay soo dirtay si uu uga baxsado dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyey Mo Farah sida uu arko jawaabta dowladda, waxa uu yiri “waxaan dareemayaa nafis. Kani waa dalkayga.”

“Ma jiro canug doonaya inuu ku sugnaado xaaladdaas. Aniga arrintaas waa la ii dooray.”

“Aad ayaan uga mahad-celinayaa fursad kasta oo aan ku helay Britain, aad ayaana… ugu faraxsanahay inaan dalkayga u matalay sidii aan u matalay, sababtoo ah taas waa waxa kaliya ee aan sameyn karay oo gacanteyda ku jira, markii aan yaraa ma lahayn maamulkayga.”

Mo Farah ayaa waxaa markii dambe ka caawiyey inuu dhalashada UK helo macalinkiisa cayaaraha ee iskuulkii uu dhigan jiray, Alan Watkinson, isaga oo weli isticmaalaya magaca Mohammed Farah oo ay siisay haweeneydii sida sharci-darrada ah kusoo gelisay Britain. 

“Ilama ahan in Alan uu wax khalad ah sameeyey,” ayuu yiri Mo Farah. 

“Alan wuxuu u tegay qolyaha adeegga buslahada. Waxaan u sheegnay xaaladdeyda, waxaan u sheegnay sida saxda ee magacaygu ahaa, marka waxaan marnay marinadii saxda ahaa, balse ma aqaan sababta wax looga qaban waayey.”

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxa uu 39 jirkan hadda sheegay in waalidkiis aysan weligood iman UK – in aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya markii uu ahaa afar jir, iyo in hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay ay ku nool yihiin Somaliland.

“Runta waxay tahay inaan aheyn qofka aad u maleysaan inaan ahay. Dadka badankood waxay ii yaqaanaan Mo Farah, balse ma ahan magacayga, mana ahan xaqiiqda,” ayuu yiri. 

Farah, oo ah orodyahankii ugu horreeyey ee British ah ee ku guuleysta afar bilad oo dahab ah, ayaa sheegay in caruurtiisa ay ku dhiiri-geliyeen inuu runta ka sheego sooyaalkiisa. 

“Muddo ayaan qarinayey. Aad ayey u adkeyd sababtoo ah ma dooneysid inaad wajahdo, inta bandanna caruurteyda su’aalo ayey I weydiiyaan, ‘Aabe, sidee arrintan ku dhacday?’ waa inaad ka jawaabtaa, balse mar kasta jawaab ma heli kartid,” ayuu yiri. 

“Sababta ugu weyn ee aan u sheegayo taariikhdeeda ayaa ah inaan doonayo inaan dareemo caadi, oo aan dareymin inaan wax qarinayo.”

Xaaska Mo Farah, Tania ayaa sheegtay in sanadkii 2010 kahor arooskooda ay garowsatay “in waxyaabo badan ay ka maqan yihiin sheekadiisa” kadibna ay “su’aalo badan dhulka ku dhigtay” oo uu runta sheegay.