‘Labadii kulan ee dhexmaray Farmaajo iyo Netanyahu iyo qorshihii uu ka diiday Trump’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu horaantii 2020, waxaa sidaas wargeyska Times of Israel u sheegay diblomaasi xog-ogaal u ahaa kulankaas. 

Farmaajo ayaa bishii Febraayo tegay Tel Aviv isaga oo uu wehliyo Balal Osman, oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Farmaajo u qaabilsanaa Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay diblomaasiga. 

Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay suurta-galnimada xiriir dhex-mara dalalkooda. Hase yeeshee dadaalladaas ayaa waxaan taageerin madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo aan dooneyn inuu Soomaaliya ku daro dadaallada gobolka ee markii dambe loo bixiyey Heshiiskii Abraham (Abraham Accords), sida uu sheegay diblomaasiga. 

“Ma dooneyn [Trump] inuu la macaamilo waddan, uu u maleeyey inuu ahaa ‘dal qurmay,’” ayuu yiri diblomaasiga.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarada ay Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, ay ku qaadeysay Trump, ay Trump ka xiray Soomaaliya. 

Markii labaad ee Netanyahu uu la kulmay Farmaajo ayaa aheyd 28-kii November 2018, markaas oo ay ku dhinac kulmeen kulan dhex-maray Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi, sida uu sheegay diblomaasiga hore. Kulanka ayaa ku yimid codsiga Netanyahu.

Afhayeenada Netanyahu waa ay diideen codsi ku saabsan inay arrintan ka hadlaan. 

Sida uu sheegay diblomaasiga, Farmaajo ayaa sidoo kale amray safiirkii Soomaaliya ee Switzerland Faduma Abdullahi Mohamud inay ka aamusto qaraarkii 2019 ee Golaha Xuquuqda Aadanaha QM uu ku cambaareeyey Israel sababo la xiriia buuraha Golan Heights.

“Waxa uu doonayey inuu ku tijaabiyo falcelinta gudaha iyo dibedda ee taageero yar oo shaacsan oo loo muujiyo Israel,” ayuu yiri diblomaasiga.

Faduma ayaa waxaa u yeeray wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya kadib codeyntaas. Farmaajo ayaa kadib ku qasbanaaday inuu ku ciqaabo codeyntaas kadib markii dhalleeceyn xooggan oo gudaha iyo dibedda ah uu la kulmay, sida uu sheegay diblomaasiga.

Israel wax xiriir ah diblomaasi ah lama yeelan Soomaaliya weligeed. Sidoo kale Soomaaliya weligeed Israel uma aqoonsan dal. 

Shaac ka qaadista kulankan ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay jireen warar sheegaya isu soo dhowaansho Soomaaliya iyo Israel ah. 

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii beeniyey warbixino ay qoreen warbaahinta Israel oo sheegaya in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel. 

Wargeyska Times of Israel ayaa Axaddii qoray in afhayeen u hadlay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay kala tashaneyso baarlamanka suurta-galnimada ah inay xiriir diblomaasi la sameysato Israel. 

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyey in afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uusan marnaba la hadlin warbaahinta xigatay, islamarkaana warbixinta wargeyska Times of Israel ay tahay been abuur. 

Abdiaziz Hassan Ibrahim
Abdiazizh99@gmail.com