Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyay wararka sheegaya in la-taliyihiisa sare, bilyaneerka Elon Musk, ay isku dhaceen Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, kulan ka dhacay Aqalka Cad.
Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in Musk uu muran la galay Rubio, sidoo kalena ay dood adag dhex martay isaga iyo Xoghayaha Gaadiidka, Sean Duffy, intii lagu jiray shir golaha wasiirrada ah oo uu Trump guddoominayay Khamiistii.
Elon Musk ayaa madax ka ah Waaxda Waxtarka Dowladda (DOGE), isagoo horseed ka ah qorshe lagu dhimayo kharashaadka iyo shaqaalaha dowladda, arrintaas oo sida la sheegay abuurtay xiisad dhex-martay isaga iyo madaxda kale ee waaxyaha dowladda.
Kulanka kadib, Trump ayaa ku dhawaaqay in dhimista kharashaadku sii socon doonto, balse loo adeegsan doono “middi qalliin” halkii “faas” laga adeegsan lahaa, taas oo loo fahmay inuu ka digay tallaabooyinka adag ee Musk.
Si kastaba ha ahaatee, markii suxufiyiintu Jimcihii weydiiyeen muranka la sheegay, Trump ayaa meesha ka saaray, isagoo yiri: “Ma jirin wax muran ah. Aniga ayaa goob joog ka ahaa.”
Wuxuu sii raaciyay inuu ku kalsoon yahay Musk iyo Rubio labadaba, isagoo sheegay inay “shaqo aad u wanaagsan qabanayaan” isla markaana ay “si aad ah isugu fiican yihiin.”
Sida warbixinta The New York Times lagu sheegay, Musk ayaa dhaliilay waxqabadka Rubio ee dhimista kharashaadka Waaxda Arrimaha Dibadda, isaga oo ku eedeeyay inuusan si fiican ugu guulaysan inuu kharashaadka yareeyo.
Rubio ayaa ku jawaabay in 1,500 oo shaqaale ah ay hore uga baxeen shaqada si iskood ah, isaga oo si kaftan ah u weydiiyay Musk haddii uu doonayo in shaqaalahaas dib loo soo celiyo si mar kale shaqada looga eryo.
Dhinaca kale, Sean Duffy ayaa ku eedeeyay waaxda DOGE inay isku dayday inay shaqada ka ceyriso hawl-wadeennada muhiimka ah ee hagidda diyaaradaha xilli ay dalka ka jiraan cawaaqibka shilal diyaaradeed oo dhowaan dhacay, taas oo keentay in Musk uu Duffy ku tilmaamo inuu “been sheegay,” sida uu weriyey The New York Times.
Trump ayaa sida la sheegay soo dhexgalay muranka si uu u joojiyo doodda, isagoo soo jeediyay in hadda kaddib hawl-wadeennada duulista laga soo xusho “khubarada sare” ee wax ka barata jaamacadaha caanka ah sida MIT.
Warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa dhanka kale tebisay in xiisado ay jiraan u dhexeeya Musk iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo kooxdiisa dhalinyarada ah ee DOGE—oo laga soo qoray Silicon Valley—ku eedeeyay inay dhaafeen xuduudda awooddooda.