Erdogaan oo ka digay qorshe cusub oo xulafada Sacuudiga ay la damacsan yihiin Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ka digay in dowlada xulafa Sacuudiga ay kacdoono Siyaasadeed u abuuran dowlada Qadar.

Erdogan, ayaa sheegay in xulafada Sacuudiga ay qorsheynayaan inay arbushaan xasiloonida ka jirta dalka Qadar, iyadoo la adeegsanaayo Kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Erdogan, waxa uu tilmaamay in Turkiga uusan afka ka qabsan doonin carqalad lagu sameeyo Qadar, waxa uuna wacad ku maray inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah xulafada, haddii ay dhacdo in la kaakiciyo xiisada iminka la qaboojiyay.

”Kama aamusi doono carqaladeynta xasiloonida ka jirta dalka Qadar, waxaan ka digeynaa in loo adeegsado gamco calooshood u shaqeystayaal”

Erdogan, ayaa cadeeyay inay jiraan qorshooyin cusub oo ay Qadar uga hortageyso dhibaato kaga imaada xulafada Sacuudigam balse waxa uu ka digay in lasoo kaakiciyo dhibaato aan hadda jirin.

Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee jooga Qadar ayuu sheegay inay u madaxbanaan yihiin talaabo waliba oo lagu xaqiijinaayo amniga Qadar.

Dhinaca kale, waxa uu xulafada Sacuudiga ugu baaqay inaan loo adeegsan burburka dowlada Qadar oo uu sheegay inay tahay dowlad muslim ah isla markaana ka qeybqaadata taakuleynta dalalka Islaamka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com