Kheyre oo lagu wado inuu go’aan ka gaaro arrin ka taagan Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa wada qorsho uu isbedel ugu sameynaayo maamulka iyo Howlwadeenada Bankiga Dhexee ee Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qorshahaasi ku doonaya in meesha looga saaro mas’uuliyiin dhowr ah, halka uu ka magacaabi doono mas’uuliyiin kale.

Qorshaha Kheyre ayaa waxaa kamid ah in la yareynaayo howlwadeenada hoose ee Bankiga, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in tirada bixi doonta ay yihiin kuwo lagu hayo falal la xiriira musuq-maasuq.

Khilaaf iyo Dacwado u dhexeeya maamulka Sare ee Bankiga iyo Howlwadeenada, ayaa soo dadajisay in Kheyre uu Go’aan ka gaaro dacwadaha ka taagan Bankiga.

Waxaa sidoo kale jira tuhun la xiriira isdabamarinta lacago loogu tallo galay mushaaraadka ciidamada DFS, taa oo gaaraysa ilaa Seddex bil oo xiriir ah.

Ugu danbeyntii isbedelka uu Kheyre la damacsan yahay maamulka Bankiga ayaa saameyn doona dhammaan Xafiisyada uu leeyahay Bakiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com