Farmaajo oo ku wajahan dalka Ivory coast iyo qorshaha oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta magaalada Nairobi kaga sii socdaalo dalka Ivory coast, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa.

Madaxweyne Farmaajo oo ka bixi doona magaalada Nairobi ayaa la filayaa in mudada uu ku sugan yahay dalka Ivory coast uu halkaa uga qeybgalo shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub.

Shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub oo ay marti ku yihiin Madaxweynayaal dhowr ah, ayaa waxaa looga hadli doona arrimo khuseeya xiriirka labada qaaradood ee uu shirka khuseeyo.

Shirka ayaa qodobada looga doodi doono waxaa kamid ah xaaladaha ka taagan Somalia iyo kaalinta wax ka qabadkeeda kaga aadan dowladaha uu shirka u dhexeeyo.

Madaxda lagu marti galiyay Khudbada ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo oo Khudbadiisa kaga warami doona xaalada dhabta ah oo ay ku shaqeyso dowladiisa iyo waxyaabaha la gudboon.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ivory coast, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalkaasi tan iyo markii loo doortay xilka, waxaana xusid mudan inuu noqon doono Madaxweynaha ugu horeeya ee socdaal ku gaari doona Ivory coast.

Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa xaalado kala duwan oo ay ka dhaxashay burburka dowladii Dhexe, waxaana iminka u bilaabanaaya dadaaladii ay ku baadi goobi laheyd degnaanshiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com