Shax: Muxuu yahay faraqa u dhexeeya khidmooyinka dekadaha Somalia?

Soomaaliya waxay leedahay dekado dhawr ah, waxaana loogu isticmaal badan yahay Dekadda Muqdisho, Dekadda Berbera oo maamulka Somaliland hayo iyo Dekadda Bosaso oo maamulka Puntland gacanta ku hayo.

Dekadaha Berbera iyo Muqdisho waxaa gacanta ku haya shirkado laga kala lee yahay dalalka Turkiga iyo Imaaraadka carabta, Dekadda Bosaso dhawaan ayaa lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports Limited oo la mataaneysan shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carabta, waxaana saamigeeda 100% si gaar ah u leh Shaikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum oo ah Sheekha Mandiqada Dubai.

Kadib wareejintii dekadda Bosaso waxaa is bedalay maamulkii, waxaana muran xooggan ka dhex aloosmay ganacsatada, wakiilada doonyuhu u kireysan yihiin iyo maaulka Puntland iyo weliba shirkadda P&O oo dhinac ah, muranka xoogiisa ayaa la xiriira khidmadda lagu kordhiyey alaabaha dekadda ka soo dega.

Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka Badda ee Puntland ayaa saxaafadda u soo bandhigtey in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmada yar saddexda dwkadood ee dalka ka shaqeeya, waxaana ay ku eedeyeen ganacsatada qaarkeed in ay yihiin manaxayaal, kuwaas oo badeecadaha qaarkood kala dega dekadda Berbera bixiyana dhaqaale aad uga badan tan Bosaso, laakiin ay doonayaan in dekadda Bosaso indhaha isugu qabtaan.

Wasaaradda dekadaha ayaa tusaale u soo qaadatey raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Bosaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda sida Wasaaraddu ku eedeysey.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay sheegtey in kiraalayaasha doonyuhu ay isbeddel ku sameeyeen lacagtii ay kirada uga qaadi jireen alabaaha ay soo qaadayaan waxaana ay tusaale u soo qaateen in gaariga yar ee ka soo baxaya Dubai ay ka qaadi jireen $100, laakiin ay hadda ay qaadaan $150 iyaga oo ku andacoonaya in qiimaha khidmadda ee dekadda Bosaso kor loo qaadey, markii ay soo gaaraan xeebta Boosaaso aysan u dejin ganacsatada oo ay abaabulaan mudaaharaadyo iyo kacdoon shacab.

shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen

  • CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha).
  • DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha)
  • Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ).
  • DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha).

Xogta qiime kordhinta kirada doonyaha waxaa laga soo xigtey wasaaradda dekadaha Puntland.

Shaxda Hoose waxay muujineysa in dekadda Bosaso tahay midda ugu qiimaha jaban Soomaaliya oo dhan.
Dekadda Bosaaso ayaa shalay u shaqeyneysay si gaabis ah, waxaana shirkadaha qaarkood u hoggaansameen isbeddelka dekadda, halka kuwo kale ay la baxeen doonyahoodi ama ay diideen in ay canshuurtaan alabaahooda.

Isha: HM