Erdogan iyo Putin oo ku heshiiyey arrin ka farxin doonta Falastiiniyiinta

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa la xaqiijiyay in ay ku heshiiyeen dhismaha Dowladda Falastiin oo ay iyaga dhisayaan.

Aqalka Krimiline-ka ee Dalka Ruushka ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in labada Madaxweyne ee Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen Qadka Taleefanka kaddib markii Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay diideen go’aankii Trump ee uu Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin taageeridda nabadda Bariga dhexe oo loo marayo hab diblomaasiyadeed halka Donald Trump ay ku eedeeyeen in qaab kali talisnimo ah uu u maray go’aanka Quddus.

128 ka mid ah 193-ka dal ee ku jira Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa diiday go’aanka Trump,waxaana ay ku tilmaameen in arrinta Quddus ay tahay qaddiyad wadahadal lagu xallinayo halkii xoog lagu xallin lahaa.

Mareykanku waxaa uu sheegay in Safaaraddiisa Tal aviv uu u rarayo Quddus,iyada oo uu Turkigu sheegay in Safaarad uu ka furayo Magaalada Quddus Barigeeda isaga oo u aqoonsan caasimadda Falastiin,waana marka Israel laga wareejiyo sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com